Munaasibad Ballaadhan oo lagu soo Bandhigay Buugga Hawaale Warran ee Abwaan Hadraawi

Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey Buugga Hawaale Warran ee uu qoray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa xalay lagu soo bandhigay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa.

 

Waxa xafladaasi ka soo qaybgalay Wasiirro, Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Xildhibaanno, Ganacsato, Suugaan yahanno iyo Boqolaal ka mid ah dadweyne ah oo lagu martiqaaday xafladaasi.

 

Maxamed Saleebaan Cumar oo ahaa qoraaga iyo Tifaftiraha Buugaas, ayaa sheegay in Buugga Hawaale Warran uu qalin ku qoray Abwaan Hadraawi, hase ahaatee uu isagu kombuyuutar ku qoray isla markaana tifaftiray, waxaanu sheegay in Abwaan Hadraawi uu buugaasi ku qoray tiraab uu kaga hadlay nolosha, dhaqanka Soomaalida iyo waayo-aragnimadiisii.

 

Maxamed Saleebaan Cumar wuxuu u mahadceliyey dadkii ka qaybqaatay in buuggaasi soo baxo, waxaanu xusay in Cabdirashiid Dahabshiil uu bixiyey kharashkii ku baxay daabacaada buuggan oo uu tilmaamay inuu qaatay muddo toban sannadood ah.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si qotodheer uga warramay shakhsiyada iyo kaalintii weynayd  ee uu  ku lahaa halgankii dalku soo maray, waxaanu tilmaamay in Dawladda Norway buugga Hal-karaan ee Abwaan Hadraawi laba maanso oo ku jira ay turjunteen isla markaana ay u dhigaan carruurta Soomaalida ee u dhashay dalka Norway.

 

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sheegay in abwaan Hadraawi uu xataa uu suugaan ku cabiray dhibaatooyinkii soo gaadhay dadka Falastiiniyiinta ah  xilligii ay qabsatay Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker