Madaxwayne Ordegan oo La Filayo inuu Caawimo u soo Diro Somalia

Dowladda Turkiga ayaa qalab caafimaad usoo direysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Erdoğan, waxaa sidaas sheegay Afhayeenka madaxweynaha.

 

 

“Maanta, ayada oo la fulinayo amarrada madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, diyaarad xamuul oo ay ku jiraan qalab caafimaad, maaskaro, aaladaha lagu sameeyo tijaabada Coronavirus iyo qalab kale, ayaa u baxeysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka COVID-19,” ayuu yidhi Ibrahim Kalin, oo qoraal soo dhigay twitter-ka Jimcihii.

 

 

Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan.

Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay.

Kalin ayaa yiri “Booqashadaas waxay dareenka caalamka kusoo jeedisay dalka la hilmaamay ee Soomaaliya, waxaana Erdogan uu noqday rajada walaalaheen Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdhaba.”

Ibrahim Kalin

It was back in 2011 when President Erdoğan took his first trip to Somalia where tens of thousands of people had died because of the famine.

The visit drew the world’s attention to the forsaken country of Somalia and Erdoğan became the hope of our Somali brothers and sisters.

Today, by instructions of President Recep Tayyip Erdoğan, a cargo load of medical supplies, masks, overalls, test kits and other equipment is going to Somalia to help them against COVID-19.

Turkey stands together with Somalia and Africa against all calamities.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker