Dhakhaatiir Ingiriis Ah Oo Hawlo Samo-fal Ka fuliyey Xarunta SAHAN iyo Tababbar ay Siiyeen Ardayda Caafimaadka Ee Jaamacadda Hargeysa

Dhakhaatiir ku takhasustay Cilmiga Caafimaadka Xanuunnada Dhimirka ku dhaca oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa adeegyo Caafimaad ka fuliyey Xarunta Dhimirka ee SAHAN ee Magaalada Hargeysa.

Dhakhaatiirtan oo ka socda Cisbitaalka Kings College oo ku yaalla Dalka Ingiriiska, ayaa Xarunta SAHAN oo ay ku jiraan Dad badan oo qaba xanuunnada dhimirka ayaa waxay dhakhaatiirta Ingiriiska ka socdaa waxay ka sameeyeen baadhitaano Caafimaad iyo daweyn iskugu jirta xagga Maskaxda iyo xanuunada guud.

Dhakhaatiirtan ayaa waxay Gudaha Xarunta SAHAN ay Tababbar ku siiyeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa ee barta Caafimaadka, gaar ahaan qaybta Dhimirka.

Tababbarradan oo iskugu jiray Baadhitaanno iyo Xog-waraysi lala yeelanayey Dadka qaba Xanuunnada dhimirka ee ku jira Xarunta SAHAN oo socday muddo Afar Maalmood ah, ayaa gebogabadiisii waxa Munaasibad lagu qabtay Xarunta SAHAN, taasi oo laga soo jeediyey hadallo ku aaddan waxtarka ay Bulshada u leedahay Xarunta SAHAN ee lagu hayo isla-markaana lagu daweeyo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka.

Agaasimaha Xarunta SAHAN, Kayse Xasan Cumar oo ugu horreyn Munaasibaddaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey hawlaha ay Bulshada u qabato SAHAN, Marxaladaha uu maro Qofka qaba Xanuunka Dhimirka marka halkaa la geeyo illaa uu ka baxayo isagoo Caafimaad qaba, waxaanu yidhi “Xarunta SAHAN waxa la aasaasay sannadkii 2008-dii, xilligaa illaa Maanta horumar ayay dhinac walba ka gaadhaysaa Xarunta SAHAN, sida dhinaca dhismaha, dhakhaatiirta iyo xagga Caafimaadka. Xarunta oo lagu aasaasay Dad ehel leh iyo kuwo aan ehel lahayn oo xanuunsanayey, Maanta waxaanu haynaa bukaanno tiradoodu dhan tahay 600..”

Agaasime Kayse oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay celcelis ahaan Tirada Dadka Maalintii Caafimaad ahaan loo geeyo Xarunta SAHAN “Celcelis ahaan bishii xarunta SAHAN waxa soo gala 43 Qof, intaa in leegna way baxaan (Marka ay bogsadaan). Marka aanu iswaydiino waa maxay sababta Dadka halkan keenaysaa, taa waynu ka wada dheragsan nahay oo Dadkeena dhibaatada ugu weyn ee haysaa Balwadda nooc kasta oo ay ahaataba, ama Qaad ha ahaato ama Xashiishad ha noqoto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qofku marka uu halkan yimaaddo waxa la sameeyaa hubin inuu Xanuun qabo iyo inaanu qabin, dabadeed Dawooyinka ayaa loo qoraa, waxa la yaabaa Qofku marka uu dawooyinkaa qato waxa laga yaabaa inuu laba Bilood gudahood uu sidiisii caadiga ahayd ku soo noqdo. Markaa ka dib waxaanu u samaynaa Waxbarasho, farsamada Gacanta, waxa kale oo jira Maktabad aanu ugu talo-galnay in qofku wakhtigii ka lumi lahaa uu kaga faa’ideeyo.”

Kayse Xasan Cumar waxa kale oo uu sheegay “Dadkan halkan yimid maaha Dadka Somaliland oo keliya, Qurbahaa laga keenaa, Waddamada jaarka ah ayaa laga keenaa, Dad aan Soomaali ahayn oo Ajaanib ah ayaa ku jira Xarunta SAHAN..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Maamul ahaan soo dhawaynayaan Jaamacadaha dalka oo dhan.

Oday Jaamac Maxamuud Xaqule oo mid ah Maamulka Xarunta SAHAN oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Xarunta SAHAN Waa goob Somaliland wax tartay, Dadka wax tartay, Waayo? Qofka waxa halkan la keenaa Qofka oo Qoyskiisa ay hayn kari waayeen oo dhib isla soo muteen..”

Drs. Ellan oo hoggaaminaysey Dhakhaatiirta ka socda Cisbitaalka Kings College oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay xarunta SAHAN tababbar ugu qabtaan Ardayda Jaamacadda Hargeysa ee barta Cilmiga Caafimaadka dhimirka, si bay tidhi aqoontooda loogu kaabo si la taaban karo, maaddaama oo Dadka qaba xanuunnada dhimirka ee SAHAN ku jira ay la kulmayeen Ardayda Caafimaadka barataa.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa iyo Maamulaha Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacaddaas oo halkaas ka hadlay ayaa Ardayda u soo jeediyey in wakhtiga uga hadhay Waxbarashada Caafimaadka ay ka faa’idaystaan Xarunta SAHAN, maaddaama oo Adduunku isku dhaafay Aqoonta muuqata ama la taaban karo.

Qaar ka mid ah Ehellada Dadka halkaa lagu daweeyo oo iyaguna halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in Dadka SAHAN ay Caafimaadinta u keeneen ay dhowr meelood oo kale soo mariyeen, balse dhibaato ka jirtay Goobaha kale aanay ka jirin SAHAN, sidaa darteedna ku ganacsan yihiin habka hawl-wadeennada SAHAN ugu adeegaan Bukaannada.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Cabdi Daa’uud, Liibaan oo Xubin ka ah Guddiga xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland iyo Agaasimaha Komiishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa bogaadiyey habka Xarunta SAHAN ugu adeegto Dadka bukaanka ah.

Gebogabadii, Dhakhaatiirtii ka socotay Cisbitaalka Kings College ayaa Hadyado guddoonsiiyey Maamulka Xarunta SAHAN, hadyadahaas oo ay sheegeen inay ku mutaysteen dedaalkooda.

Markaasi ka dib, waxa Maamulka Jaamacadda Hargeysa iyo Dhakhaatiirta ka socotay Kings College waxay shahaadooyin guddoonsiiyeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa ee Tababbarka ku qaatay Xarunta SAHAN.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker