Taliyaha Ciidamada Amisom oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Itoobiya oo Loo diiday inuu Kismaayo soo galo

Kismaayo (OWN) –Sida aanu wararka ku helayno waxaa jiray Qorshe taliyaha howl-gallada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, Tigabu Yilma Wondimhunegn uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo .

Balse  fashilmay kadib markii maamulka Jubaland uu u sheegay insane  iman karin magaalada Kismaanyo ee Xarunta ah.

Tigabu ayaa la filayey inuu shalay Kismaayo tago, hasa yeeshee  wuxuu dib ugu  dhacay maanta oo arbaco ah,

waxaana  Safarkiisa saameeyey amarkii xalay kasoo baxay maamulka Jubaland ee lagu xidhay xuduudaha magaalada Kismaayo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Oodweynemedia  u sheegay in Tigabu uu Goostay Tigidh diyaarad ay leedahay QM, oo qorshuhu ahaa inay Muqdisho ka baxdo 7-da subaxnimo, hase yeeshee waxaa isaga iyo xafiiska QM ee Soomaaliya lagu war-geliyey in ay raacaan amarka lagu xiray xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Kismaayo.

Taliye Tigabu ayaa Kismaayo u tagi lahaa inuu xaliyo xiisad ka dhex oogan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka wada tirsan Amisom, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay diideen in ciidamada Itoobiya ay degaan garoonka Kismaayo.

 

Isniintii ayaa waxaa hawad Kismaayo laga celiyey diyaarad sidday qalab iyo ciidan Itoobiyaan ah, oo loo diiday inay garoonka Kismaayo kasoo degto, xilli Jubaland ay ka hortageyso qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay ku qabsadaan garoonka Kismaayo, oo dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker