Deg deg: Shirkii Beelaha GARXAJIS Oo Maanta lasoo Gunaanaday Iyo Qodobo Laga Soo Saaray

Shirkii beesha Garxaajis uga socday Buurta Gacan-libaax ayaa si rasmi ah u soo xidhmay iyadoo shirku  sagaalkii cisho ee ugu danbeeyey u socdey beesha, waxaana shirkaas oo maanta la soo afmeeray laga soo saaray Go’aamo.

Hadaba 8 qodob oo Hordhac ah halkan ka akhriso.

1.    In Midnimada  Garxajis ay ka tahay midka koowaad .

2.   In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn

3.  In Kootada qandaraasyada dalka   cid gaara ah la siiyay

4.  In Sinaanshiiyo laan ay beeshu ka tirsaneyso  shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah

5. In beelaha Somaliland oo dhan lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay

6. In la furo dastuurka dalka si beelaha darafyadu uga Qayb-qaataan dawlada, Hogaanka dalkana loogu sinaado

7. Beeshu waxay cadaynaysaa in labadii xukuumadeed ee iska dambeeyay Aanay dhex ka ahayn colaaada Ceel Afweyn ,Waxaana ay ku eedeeyeen in qaaar ka mida wasiirada xukuumada Muuse sii hurinayaan colaaadaaas

8. Waxaanu ka digaynaa in Beesha lagu sheego Somaliweyn, maadaama beeshu ahayd bud dhigii xoraynta dalka dad badana kaga dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker