Madaxwayne farmaajo oo mar kale baaq u diray Soomaliland

Waxaa xalay meela badan oo Deegaanada Somaliland ka mid ah looga dabaaldagay munaasabadda sanad-guuradii 59aad ee Xorriyadddii Somaliland  .

 

Waxaa iyana si ku xumayn ah Magaalada Muqdisho ugu Qabtay Munaasibad ay ku Xusayaan Maamulka Taagta daran ee Farmaajo

 

Munaasabad wayn oo Muqdisho ka dhacday ayaa waxaa ka qayb-galay madax uu horkacayay madaxwaynaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi farmaajo.

Madaxwaynha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa munaasabadda ka jeediyo ayaa shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda

Madaxwayne Farmaajo ayaa waxay khudbadiisa u badnayd muhiimadda ay leedahay midnimada iyo halgankii loo soo galay xorriyada Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaato badan loo soo maray xorriyadda Soomaaliya islamarkana ay suugaanta Soomalida ka muuqato hammuunkii loo qabay xorriyadda markii ugu horreysay ee calanka Soomaaliya laga taago Hargeysa.

Madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay muhimada ay gobolada Waqooyi ama Somaliland ay u leeyihiin guud midnimada Soomaaliya.

Madaxwaynaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Soomaaliland.

“Waxaan mar kale ku baaqayaa ama ugu baaqayaa in wadahadaladii Soomaliya iyo Somaliland aan dardargalino,waxaan ku soconaa muddo 30 sano ah oo umadda Soomaaliyeed uu waqti badan ka lumay gaar ahaan dhalinyarada”,ayuu yidhimadaxwayne farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay sida ay lagama-maarmaanka u tahay in la isu xog waramo si loo daaweeyo ayuu yidhi nabaradii duruufihii adkaa ee la soo maray.

Madaxwaynaha dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa ugu baaqay in shacabka gobolada Waqooyi ama Soomaaliland sidii ay hormuudka uga ahaayeen midnimadii labada dhinac ay imikana hormuud u noqdaan midnimada dalka Soomaliya.

“Haddii dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo-doonka iyo wadaniyadda,waxaan ugu baaqayaa inay hadda hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka soomaaliya”,ayuu intaa ku daray madaxwaynaha.

 

 

Hadaba Dawladda Somaliland iyo shacabkeeda ayaan marnaba dhigjalaq u siin Qudbadaha iyo beerlaxawsiga ka imanaaya Madaxwayne Farmaajo iyo Maamulkiisa Taagta daran , Waxaana si fudud u Burbuaray wada hadaladii Labada dhinac ku yeelan lahaayeen magaalada Nairtoobi ee Dalka Kenya , ka gadaal markii ay Xukuumadda Farmaajo diiday Wadanka Gogosha dhig , isla mar ahaantaana ay soo Wada hadalka u soo dirsatay Wafti uu Meeqaamkoodu Hooseeyo,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker