Wasiir Beyle Oo Qaabilay Madaxda Bangiga Adduunka Oo Mar kale soo Gaadhay Muqdisho.

Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka iyo dowlada Switzerland oo kamid ah dowladaha taageera Dowladda Soomaaliya.

Xubnaha wafdigan iyo Wasiirka maaliyadda ayaa ka wadahadlay sii Xoojinta Xidhiidhka kadhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Bangiga adduunka iyo weliba dowlada Switzerland.

“Sharaf ayay ii aheyd in aan Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyo Wafdi ka socda Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka.Waxaan ku faraxsanahay in Dowladda Switzerland ay sii wado taageerada ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayuu yiri”Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in Dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka ay horseeday in Caalamku si dhab ah u garab istaago Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker