IGAD Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saartay Xaaladda Murugsan Ee Siyaasada Soomaaliya

War saxaafadeed uu soo saaray Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada siyaaadda Soomaaliya iney isugu yimaadaan wada hadalka, si loo gaaro is faham siyaasi ah oo la xiriira hir gelinta doorasho wada ogol ah.

IGAD ayaa soo dhoweysay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka saamilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga ka taagan doorashada.

Qoraalka IGAD ayaa waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahay geedi socod muhiim ah oo dhaliya kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiisadaha ama isku dhac keeni kara.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker