Qorshe Xukuumaddu Ku Doonayso In La Joojiyo Shidaalka Itoobiya Ka Yimaadda Oo Guux Ka Abuuray Balligubadle

Balligubadle(OWN):-Xukuumadda Somaliland, ayaa doonaysa in la joojiyo shidaal ka yimaada Waddanka Itoobiya oo lagu cashuuro magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Xogaha uu helayo Wargeyska Waaberi ayaa sheegay in wasaaradda ganacsigu soo saartay amar ah in la joojiyo shidaalka, islamarkaana ay amarkaasi fartay isu-duwaha Wasaaradda Ganacsiga u jooga Balligubadle.

Amarkan ayaa todobaadkii u dambeeyay guux ay bulshadu ku diidan tahay ka abuuray magaalada Balligubadle oo dhaqdhaqaaq dhaqaale  ku qabta ganacsiga shidaalka.

Ganacsato dhanka Itoobiya ka keenta shidaalka iyo ganacsatada Somaliland ayaa kaalmo ku yaalla Balligubadle kula kala wareega waxaana halkaasi ku cashuurta Wasaaradda Maaliyadda.

“Halkan (Balligubadle) ayaanu waagii baryaba ka dhaansana shidaalka Itoobiya, halkana waanu ka cashuurana waana meesha noogu dhaw. Berbera ayaanu ka soo dhaansan jiray waxa naga keenay ee Balligubadle na keenayna waa duruuf,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah ganacsatada shidaalka ka keena Balligubadle oo sheegay in qiimo ka jaban Berbera ay kaga keenaan Balligubadle.

Faysal Aw Cabdi Cambalaash oo ka tirsan bulshada reer Balligubadle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in qorshaha xukumaddu ku joojinayso shidaalka Berbera “In Muddo ah gobolku wuu wanaagsana, indhaha ayuu soo kala qaaday, wax buu fahmay oo baayacmushtarigii ayuu ka soo qayb galaya, cashuuraha ayaanu bixina, waxaanu nahay dad muwaadiniin ah oo jecel in ay horumarka waddanka qabtooda ka qaatan laakiin, waxa na soo gaadhay war aanan jeclaysan oo ah in wasaaradda ganacsigu amar ku bixisay in la joojiyo shidaalka ka soo galaya dariiqan Balligubadle iyo kastamkan.

Shidaalku kuma soo galayn bilaash ee wuxuu bixinayay cashuur, wasaaradda cashuur baa ka soo galaysay,” Sidaas ayuu yidhi Faysal oo intaasi raaciyay in ganacsatada shidaalku yihiin muwaadiniin xaq u leh in ay liisankooda ganacsi dalka shidaal ku keenan meesha ay doonaan maaddaama aanay Somaliland shidaal soo saarin.

Ganacsatada shidaalka keena ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in dakhli badan uga xaroodo xukumadda dhexe iyo dawladda hoose ee Balligubadle cashuurta laga qaado shidaalka, islamarkaana baabuur tiro badan oo shidaalka ka soo qaada iyo kuwa keena ay magaalada u abuuraan dhaqdhaqaaq ganacsi.

Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka ee Balligubadle ayaa xukumadda ugu baaqay in ay joojiso qorshaha lagu joojinayo shidaalka oo uu ku tilmaamay mid xaalad abuur ah, islamarkaana ka dhan ah bulshada reer Balligubadle.

Wargeyska Waaberi ayaa ogaaday in dareenka bulshadu kaga soo horjeedo go’aanka xukumadda ee ah joojinta shidaalka soo mara Balligubadle uu masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga ee gobolka Hawd culays ku saaray in aanay amarkaasi fulin Karin iyaga oo ka walaacsan in bulshadu ku kacdo, sidoo kalena aanay laamaha dawladda ee Balligubadle jooga la qabin amarka lagu joojinayo shidaalka. Laamaha ammaanka iyo kuwa Kastamka ayaa la sheegay in aanay hayn amarka wasaaradda ganacsiga.

Xigasho: Wargeyska Waaberi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker