Dawlada Maraykanka oo U Sacaba Tumaya Xidhiidhka Cusub ee Somaliland Iyo Taiwan

Somaliland Iyo Taiwan Oo Qalbi Furan Ku Soo Dhaweeyey Qoraal Ka Soo Baxay Golaha Amniga Qaranka Ee Dalka Maraykanka ee Dawlada Gaar ahaan Qaybta  Loo Yaqaano Ammniga Qaranka.(National Security council ‘NSC’

Waxaanaay u soo dhaweeyeen si diiran Qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka (National Security council ‘NSC’) oo lagu ammaanay
xidhiidhka dhexmaray dalalka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo qoraalka Maraykanka lagu caddeeyey in xidhiidhka Taiwan ka bilawday Bariga Afrika uu  yahay mid yimid xiligii loogu baahida cuslaa.

Qoraallo lagu faafiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasaaradda Khaarajiga Taiwan maanta (10 July 2020), waxa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin qoraalka lagu bogaadiyey xidhiidhkooda ee ka soo baxay dowladda Maraykanka, waxayna Somaliland iyo Taiwan iftiimiyeen inaylabadooda waddan xidhiidh fiican la leeyihiin dalka Maraykanka.

Somaliland iyo Taiwan waa laba dal oo ka midaysan inay caalamka ka helaan aqoonsi buuxa oo dhinac walba ah, waxayna hadda si fiican oo u gaar ah ula macaamilaan, heshiisyo iskaashina la galaan dalal badan oo adduunka ah. Dowladda Maraykanku waxay muddooyinkii u dambeey wax weyn ka
beddeshay siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo qorshayaasha khuseeya
danahooda qaran,

Amni iyo dhaqaale, waxayna calaamadiyeen in dalka Shiinuhu yahay cadawga koowaad (enemy number one) ee danaha
Maraykanka, waxaannu Shiinuhu kaalintaas koowaad ka cidhiidhsaday kooxaha loo yaqaan argagixisada iyo dalal kale oo Maraykanku u aqoonsan
yahay nay halis ku yihiin dalkooda, sidaa darteed dagaalkooda siyaasadeed  iyo dhaqaale waxay ku jiheeyeen dhinaca Shiinaha, weliba meelaha sida
gaarka ah loogu dagaalamayo waxa ugu mihiimsan qaaradda Afrika, taasina waxay keenaysaa in dagaalkaas u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanku uu
faa’iido u noqdo Somaliland iyo Taiwan,

balse waxa dawladda iyo dadweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo
adkayn lahaa hannaanka dowladnimo iyo ku-dhaqanka sharciga, lagana
fogaado qabyaaladda iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara ka midhodhallinta qaddiyadda aqoonsiga iyo horumarka dalka Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker