Maxay tahay ujeedada safarka xoghaye Blinken ee Afrika?

Isbedelka cimilada iyo amniga dalka Itoobiya, Sudan iyo Sahel ayaa lagu wadaa in ay noqdaan ajandaha ugu sarreeya ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken booqashadiisa maanta ee qaaradda Afrika.

Blinken ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah gaadho magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalalka Nigeria iyo Senegal.

Booqashadiisa Afrika ayaa noqon doonta mid hoosta ka xarriiqi doonta, kala duwanaashaha maamulka madaxweyne Biden iyo maamulki ka horreeyay ee Donald Trump.

Trump ayaa qaar ka mid ah dalalka Afrika ku tilmaamay boosanneer, isla markaana iska dhaga-tiray jiritaanka isbedelka cimilada.

Blinken ayaa maanta kala hadli doono madaxweynaha Kenya, xaaladda waddanka Sudan oo uu dhawaan ka dhacay afgambi ay millatarigu sameeyeen, iyo sidoo kale dagaalka ka socda dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker