Hoggaamiyayaasha Labada Kuuriya oo Kulmay Taariikh Cusub-na Dhigay

Hoggaamiyaasha Labada Kuuriya ayaa ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii hubka niyukleerka looga baabi’in lahaa dhulka Kuuriya, kadib kulan taariikhi ah oo ay ku yeesheen dalka Kuuriyada Koofureed.

Labada hoggaamiye, Kim Jong Un iyo Moon Jae-in ayaa Jimcihi maanta si wada jir ah u abuuray geed xusuus ah ka hor inta aysan dib usii amba qaadin wada hadalkooda.

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in ayaa xaflada xiritaanka shirkooda kaga dhawaaqay in isaga iyo Kim Jong Un ay ku heshiiyeen xaqiijinta Kuuriya oo xor ka ah hub niyukleer ah. Wuxuu intaasi raaciyay in hadafkooda ugu danbeeya uu yahay sidii gacanka Kuuriya looga burburin lahaa gabi ahaanba hubka niyukleerka.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa isna ayiday natiijada kasoo baxday kulanka uu la yeeshay dhigiisa Kuuriyada Koofureed. Wuxuu sheegay in ay go’aansadeen in la furo wajiga koowaad ee dhameystirka heshiiska ay gaareen labada Kuuriya, iyo sidoo kale heshiisyada kale ee labada wadan horay u kala saxiixdeen.

Hoggaamiya Kuuriyada Waqooyi ayaa xalay u tallaabay xuduudda Kuuriya Koofureed. Waxay aheyd marki ugu horreysay oo xubin ka tirsan qoyska talada haya ee Kuuriyada Waqooyi uu lugta dhigo dalka ay deriska yihiin tan iyo dhammaadki dagaalka labada Kuuriya sanadki 1953.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker