Maxkamadda Ku Taala Yurub Oo Mamnuucday In La Gawraco Xoolaha

Maxkamadda caddaaladda reer Yurub ayaa dowladda Belgium ku ayidday go’aan ay ku mamnuucday in Muslimiinta iyo Yuhuudda aanay  gowrici karin xoolaha iyaga oo aan la suuxin.

Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay dalabka ururrada Muslimiinta iyo kuwa Yuhuudda ee ka soo horjeesaday arrintaasi.

Maxkamaddan ugu sarreysa Midowga Yurub ayaa taageertay go’aanka dowladda Belgium ee ahaa in loo baahan yahay in la suuxiyo xoolaha ka hor inta aan la gowricin si loo dhawro xuquuqdooda.

Madaxa golaha wadaadada Yuhuudda ayaa sheegay in go’aankaasi uu dhibaato ku yahay Yuhuudda ku nool guud ahaan qaaradda Yurub.
Muslimiinta iyo Yuhuudda ayaa gowraca xoolaha iyaga oo aan suuxin balse middida lagu gowracayo ayay aad u afeeyaan.

Sharciga UK iyo kan Midowga Yurub ayaa dhigaya in xoolaha la suuxiyo ka hor inta aan la gowricin, waa haddii hilibkaasi aanan loogu tala gelin Muslimiinta iyo Yuhuudda.

Maxkamaddani reer Yurub ayaa sheegtay in dhammaan waddammada xubnaha ka ah Midowga Yurub ay tahay inay ixtiraamaan xuquuqda xayawaanka iyo xorriyadda diimaha, maadaama shuruucda reer Yurub aysan diideyn in la suuxiyo xoolaha ka hor inta aan la gowricin – waa haddii arrintaasi aysan xad gudub ku ahayn xuquuqda aasaasiga ahi ee dadyowga reer Yurub.

Ururrada Muslimiinta ayaa dhawr jeer oo hore ka hor yimid sharciyada gobolladaasi woqooyi ka hor inta aan sharciyadaasi si rasmi ah loo dhaqangelin bishii Janaayo ee sanadkii 2019.

Bilo kaddib waxaa iyagana sharcigaasi dhaqangeliyay gobollada ku yaal koonfurta dalkaasi oo looga hadlo luuqadda Faransiiska ,Menachem Margolin oo ah madaxa midowga ururka wadaaddada Yuhuudda ee qaaradda Yurub ayaa sheegay in maanta oo ah Jimco ay tahay maalin murugo leh.

Sidoo kale dallada midowga ururrada Yuhuudda dalkaasi Belgium ayaa sheegtay in dacwad ka dhan ah go’aanakasi ay u gudbin doonto maxkamadda xaquuqul insaanka ee reer Yurub.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker