Raysal-wasaaraha Ethiopia Oo Sheegay in Deegaanka Soomaalida Shiidaal Laga Soo-saarayo Maalinta Berri Ah

Adiss Ababa (OWN) Raysal Wasaaraha Wadanka Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa sheegay in Maalinta Berri ah ay Bilaabayaan soosaarista Shiidaalka si tijaabo ah, iyadoo laga soosaarayo Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Dr Abiy oo Maanta Warbaahinta kula Hadlayey Caasimada Adiss Ababa ayaa xusay in markii ugu horeysay Taariikhda Wadanka Ethiopia la soosaarayo Shiidaalka Nooca looyaqaan (Crude Oil) ama Shiidaalka Qaydhin.

Geesta kale Raysal Wasaaruhu wuxu xusay in Baadhista ilaa hada la sameeyey lagu ogaaday in cadadka Shiidaalka Dhulka Hoostiisa ku jiraa uu aad u sareeyo, isla markaana ay dadka Ethiopia ku farxi doonaan rajadaa ay mudada sugayeen.

Dr Abiy Ahmed  sidoo kale waxa uu sheegay in Gas-ka Dabeeciga ahna Ethiopia laga helay oo Dhawaan la soosaari doono, waxa kale oo uu yidhi Dr Abiy “Waxan Rajaynayaa haddii la soo saaro inuu shiidaalku kordhin doono dakhliga dalka Ethiopia isla markaana laga maarmi doono ka aynu dibadda ka soo dhoofsano”

Halkan ka Daawo Khudbada Raysal Wasaaraha Ethipia Dr Abiy Ahmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker