Macalinkii Tuuga isku bedelay oo xukun adag lagu riday

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun adag oo xabsi ah ku riday Cabdifitaax Cali Cumar oo lagu helay in uu ahaa burcad si farsameesan gabdho badan uga dhacay moobeelo iyo alaabo kale ay wateen.

Ninkan xukunka maxkamada ku riday ayaa dhawaan ciidamada booliiska Soomaaliya ku qabteen magaalada Muqdisho, waxaana ninkan markii la qabtay kadib soo baxay dambiyo kala duwan uu geestay xiliyo kala duwan oo u badnaa dhac uu u geestay gabdho.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaana ku riday Cabdifitaax Cali Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah halka nin kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Xasan oo telfoonada uu soo dhaco ninkan usii iibin jiray lagu riday 2-sano oo xabsi ah.

Cabdifitaax Cali Cumar oo horey u ahaa nin bartay cilmiga diiniga macalin dugsina soo noqday ayaa qirtay in siyaabo kala duwan telfoono iyo alaabo kalaba uga dhacay gabdho Soomaaliyeed oo badankood la sameeyay xidhiidh jaceyl oo been abuur ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker