Dowladda Ingriiska Oo Sheegtay In Go’aanka Doorashada ay Iska Leedahay Somaliya

Danjiraha dalka Ingriiska u fadhiya Muqdisho Ben Fender ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ay go’aamin lahaayeen hoggaanka ay doonayaan, marka laga hadlayo nooca iyo qaabka ay noqon doonto doorashada soo socotana.

 

 

‘Waxaan xushmeyneynaa madax-bannaanida Soomaaliya, cidda Hoggaamineysa iyo ka shaqeynta doorashadaba waxaa go’aankeeda leh Soomaalida oo keliya” ayuu Fender ku yidhi muuqaal laba daqiiqo ah uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka Arbacadii lasoo dhaafay.

 

 

Dhowr bilood ayaa ka haray doorashooyinka dalka , gaar ahaan Baarlamanka iyo tan madaxweynaha oo la qorsheynayo in la qabto 8-da, bisha February, sanadka 2021-ka. Hase-ahaatee xisbiyada mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dowladda ku qasbaya iney la qaadato nooc doorasho, si looga fogaado muddo kororsi.

 

 

Guddiga doorashada ayaa horay u codsaday 70 milyan oo dollar, si loo qabto doorasho dadweyne, taas oo ka bedalan tii dhacday dhammaadkii 2016-kii iyo billowgii 2017-dii, oo la aaminsanyahay in musuq maasuq badan uu Hadheeeyay.

 

 

Danjiraha dalka Ingriiska ee Soomaaliya Fender ayaa waxa uu sheegay iney kusoo noq-noqdeen su’aalaha la xiriira halka dowladdiisa ay ka taagantahay doorashooyinka Soomaaliya, hase-ahaatee ay jawaabtu tahay in go’aanku ay Soomaalidu leeyihiin.

 

 

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida, iney ka dhabeeyaan fulinta ballamihii shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Hadalka safiirka UK ee Soomaaliya ayaa yimid xilli si weyn indhaha loogu hayay aragtida beesha caalamka ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli dalka uu hadda galay marxalad kala guur ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker