Wargays Kasoo Baxa Kenya Oo Qoray In Nairobi Ay Xidhiidh Diblomaasiyadeed La Yeelanaysa Hargeysa

Warsidaha The Indian Ocean ayaa qoray warbixin uu ku sheegay in Dawladda Kenya ay cilaaqaad diblomaasiyadeed kula yeelanayso Somaliland.

 

Warsidahaas oo warkiisa ciwaan uga dhigay “Nairobi oo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelanaysa Hargeysa.”

The Indian Ocean waxa uu sheegay in xidhiidhka murugsan ee Nairobi iyo Muqdisho ee ka dhashay muranka dhinaca soohdimaha Badda, uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ka cadheysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maadaama oo uu martiqaad u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Booqashada madaxweyne Muuse Biixi uu dhawaan ku tagayo Kenya, ayaa noqon doonta tii u horreysay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii la doortay November 2017kii, waxaanu Warsiduhu ku sifeeyey inay sii dhaawici doonto cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya.

 

Xildhibaanno iyo siyaasiyiinta Kenyan ah ayaa hore ugu majeertay Somaliland horumarka iyo xasiloonida ay ku naaloonayso, waxaanay ku boorriyaan dawladdooda inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo ay ku tilmaameen dal nabdoon oo wax lala qabsan karo.

Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo aan qarsan colaadda ay u hayso Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan ka dhigatay inay cambaareyso dalalka Martiqaadyada rasmiga ah u fidiya Madaxda JSL.

 

Warsidaha The Indian Ocean

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker