M/Deni Oo Madaxtooyada kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland.(Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

 

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Gudoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in uu aad ugu dhaw yahay Madaxweynaha Puntland, waxa uuna Gudoomiyaha cusub horey uga soo shaqeeyay Madaxtooyada Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker