Lix Qof Oo Oromo Ah Oo Lagu Dilay Dalka Jabuuti

Jabuuti(OWN)- Lix qof oo asalkoodu yahay Itoobiyaan ayaa lagu waramayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Jabuuti weerar u muuqday aargoosi, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

 

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in dilalkan u dhaceen siyaabo gooni gooni ah, gaar ahaan waxaa ay intooda badan dhaceen xili habeen ah.

Weerarrada aargoosiga ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Boqolaal ruux, waxaa la bililiqeystay dukaamo ay lahaayeen dad Itoobiyaan ah magaalada Jabuuti, ciidamo wax fara-galin kuma sameyn sida laga soo xigtay dadka Itoobiyaanka ah, wallow dowladda Jabuuti ay arintaa cambaareysay.

Rabshadan ayaa salka ku haya falalkii lagu laayay dad Jabuuti-yaan ah magaalada Diri-Dhawa 6dii bishan oo lagu dilay afar muwaadiin reer Jabuuti ah.

Waxaa jira Itoobiyaan badan oo isaga cararay xeryihiin ay ku noolaayeen, gaar ahaan agagaaraha Balbala, kuwaa oo hadda gabaad ka dhiganaya xeryo ku yaala halka lagu magacaabo Arhiba, gaar ahaan kumannaan dadka Oromada ah ayaa halkaa magan-galyo u galay.

Dowladda Jabuuti ayaa diyaarado uga soo daad-gureysay ku dhawaad 1, 700 oo muwaadiniinteeda ah kuwaa u joogay magaalada Dirir-Dhawa fasaxa xiliga Xaggaaga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker