Nin 17 Sanadood ka dhuumanaayay Police-ka Dalka Shiinaha oo laga soo saaray God uu ku Noolaa muddaa dheer

Ciidamada booliiska dalka Shiimaha ayaa 17-sano kadib ku guuleestay in ay Gacanta ku soo dhigaan nin ka baxsaday xabsi uu ku xidhnaa, kaasoo la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Song Jiang oo hada 63-sano jir ah ayaa mudo 17-sano ah ku dhuumanayay god yar uu ka dhax sameestay dhul buuraley ah , waxaana ninkan sanadkii 2002-dii uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa.

Ninkan ay soo qabteen ciidamada booliiska dalka Shiinaha ayaa mudo 17-sano iska ilaalinayay in uu arko qof bini’aadam ah, waxaana ninkan uu kunoolaa god yar oo buuro ku hareereesan yihiin,  waxaanuu  ninkani  sanado badan kunoolaa caleenta geedaha iyo biyo.

 

Booliiska dalka Shiinaha ayaa soo qabashada Jinag iyo helida xogtiisa u adeegsaday diyaarado aan duuliyo laheyn, kadib markii boolisku  horraantii bishan heleen war sheegaya in ninkaas uu ku nool yahay godka ku yaal gobolka Yunnan ee koonfur galbeed Shiinaha.

Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in ninkan markii lasoo qabtay awoodi waayay in uu hadlo maadaama sanado badan uusan dad arag, waxaana Song Jiang mar kale dib loogu celiyay xabsigii uu 17-sano kahor kasoo baxsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker