Kulankii madaxda difaaca galbeedka Afrika ee Niger oo dib loo dhigay

Shir la qorsheeyay oo ay lahaayeen madaxda ciidamada difaaca ee galbeedka Afrika oo looga hadli lahaa afgambiga Niger ayaa dib loo dhigay waqti gaaban.

Wadahadallada oo ay ku baaqeen xubnaha urur goboleedka galbeeka Afrika ee ECOWAS ayaa la filayay in ay ka dhacaan caasimadda Ghana ee Accra, Sabtida maanta.

Lama sheegin sababta dib u dhaca keentay. Khamiistii, hoggaamiyeyaasha Galbeedka Afrika waxay amar ku bixiyeen in heegan la geliyo ciidan ka hawlgala soo celinta xukunka rayidka ee dalka Niger.

Dadweyne aad u fara badan oo taageersan afgambiga dhacay bishii hore ayaa Jimcihii isugu soo baxay meel u dhow saldhig ciidamada Faransiiska ku leeyihiin magaalada Niamey si ay u cambaareeyaan ECOWAS iyo Faransiiska.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac xooggan ka muujiyay qoyska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger, kuwaasoo uu sheegay in lagu hayo xaalad ka sii dareysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker