Laba dhallinyaro ah oo Geeriyooday kadib markii ay Liqday Bada Berbera

Wararka ka imanaya magaalo xeebeedka Berbera ayaa sheegaya in laba dhallinyaro ah oo saaka ka tagay Caasimada Hargaysa ay geeriyoodeen kadib markii ay badu liqday.

 

Labadan Marxuun ee ay badu liqday ayaa la kala odhan jiray Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed C.raxmaan Xaashi Warku wuxuu intaas ku darayaa inuu shilkan ka badbaaday hal wiil oo la socday labada marxuun Waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha hawlgelinta Ciidanka booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin maxamed Cabdi.

Photo Sawirka Labada Marxuun AHN

Taliyuhu waxa uu intaas raaciyey in la aqoonsaday labada marxuun ee geeriyooday Waxa uu Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee dabaasha iyo dalxiiska u imanaya magaalo xeebeedka Berbera ay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xiligan Kacsan tahay.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker