Jeneraal Khalifa Haftar oo u Hanjabay Dawladda Turkiga

General Khalifa Haftar oo maleeshiyaad daacad u ah ay ka dagaallamaan Libya ayaa ku goodiyay Ama ku hanjabay  inuu weerari doono danaha Turkiga ee Libya,

ka dib markii  lagu Wiiqay Dagaalkii uu kula jiray Dawladda Taagta Daran ee Libya , kuna Hungoobay Damaiciisii ahaa inuu Gacanta ku dhigo Caasimadda Dalkaasi ee Tripolia.

General Xaftar ayaa ku eedeeyay xukumadda Ankara inay taageero u fidisay kuwa ka soo horjeeda.

Ciidamada ka soo horjeeda Xaftar ee taageera dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay dib u qabsadeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Gharyan, ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen, iyagoo qabsaday saldhigii ugu weynaa ee saadka ciidamada Xaftar ee muddada bilaha ka badan weerarka ku waday Tripoli.

General Xaftar ayaa maanta oo Sabti ah wacad ku maray inuu jawaab adag ka bixin doono isagoo ku eedeeyay xoogagga magaaladaa qabsaday oo sida uu sheegay taageero ka hela Turkiga inay laayeen dhaawacyo ciidamadiisa ka tirsan oo ku jiray Isbitalka magaalada.

Eedeyntaasi Xaftar waxaa beeniyay labadaba ciidamadan dowladda taageersan ee loo soo gaabiyo GNA iyo masuuliyiinta Gharyan.

Si uu uga aarguto dib u dhaca soo gaaray ayuu General Xaftar ama ku siiyay ciidamadiisa inay beegsadaan Maraakiibta Turkiga iyo shirkadihiisa, ay diyaaradaha Turkiga ka mamnuucaan wadankaas, isla markaana ay soo xiraan muwaadiniinta Turkiga ee Libya ku suggan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker