Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixyey Maqaamka degmada Guriceel

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada DGM oo caawa ka dhacay degmada Guriceel.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen amniga gudaha, maqaamka magaalada Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Gurceel.

1- Amniga Guud

Ad by Valueimpression
Golaha Wasiirada DGM ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dhawaan si buuxda gacanta dowladda ugu soo laabatay isla markaasna ay dowladda diyaar u tahay suggida amniga iyo ilaaliinta nabadgelyada guud.

2-Guddiga Gurmadka Guriceel

Guddiga, ayaa ka warbixiyay gurmadkii ay soo gaarsiiyeen dadkii ka barakacay magaalada iyo dadaalada dib u dajinta loogu sameynayo.

3- Maqaamka Guriceel

Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ansixinta Degmada Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo federaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker