Dawlada Maraykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Dhaqdhaqaaqyada Hubka Nukliyeerka Iiraan.

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay inay diyaarineyso sidii ay u dadajin lahayd bacriminta macdanteeda Uraniumta ee laga sameeyo hubka Nukliyeerka.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo oo ka dareen celinaya dhaqdhaqaaqyada Tayaynta hubka wax gumaada ee Nukliyeerka ee ay Iran ku hawlan Tahay waxana uu ku booriyay beesha caalamka inay qaadaan tilaabo deg deg ah oo Iiraan ka dhan ah.

 

Pompeo oo bartiisa Tweeterka  Qoraal soo dhigay ayaa yidhi “dhaqdhaqaaqyadan u dambeeyay ee Iiraan ay u qaaday dhinaca tayaynta macdanta Uranium ee laga sameeyo nukliyeerka waxa ay ku tusaysaa himilada taliska Tahran ee doonaya inuu dinida ka hor yimaado una xuubsiibto mid gobolka ka dhigaya goob ku can ah rabshado iyo argagixiso nomo”

 

Pompeo ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in hada la joogo waqtigii ay dhamaan beesha caalamku si cad uga hor iman lahayd qorshaha Iran ee dhinaca nukliyeerka isla markaana ay dalkaas ku soo rogi lahaayeen cunoqabatayn loo dhan yahay”

Dhawaan ayay ahayd markii hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan nukliyeerka Iiraan ee lagu magacaabo (AEOI) Ayxaqiijiyay in talaabadii ugu dambeysay eeay Iran qaaday ee dhinaca barnaamijka nukliyeerka ay ahayd mid ay 2,000kg (4,400 rodol) oo ah uranium hexafluoride ay uga wareejisay xarunta Nukliyeerka Natanz loona wareejiyo Fordow.

Iran ayaa iyaduna hore u shaacisay in 1,044 centrifug oo ah mishiino lagu bacriminayo Uranium-ta ay Xaruntan cusub ee Fordow ku rikibtay si wanaagsan loo ilaaliyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker