Dawlada Sweden oo Doonyo iyo Gaadiid ku Wareejisay Ciidanka Xeebaha Somaliland

Dowladda Sweden ayaa ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ku wareejisay saddex doonyood oo nooca dhereeya ah iyo saddex gaadhi oo ah nooca FWD ah .

Munaasibad loo sameeyay wareejinta deeqdaasi oo lagu qabtay magaalada Berbera, waxa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo masuuliyiin ka socotay Jaamacadda culuumta badda.

Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, sarreeya guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa goobtaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Waan u mahad naqayaa dowladda Sweden, afartan iyo laba cisho ayey socotay cilmiga loogu tababaareyey, waa saddex doonyood oo min shan ah, waxa ay wax naga tari doonaan doonyahani baahidii aanu qabnay, annaguna waanu xannaanayn doonaa insha alla.”

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Axmed Cismaan Xasan ayaa sheegay in ay u kala soocan yihiin dowladdaha garab qabta Somaliland iyo kuwa kale ee aan garab qaban, waxaana uu yidhi “EU iyo dowladda Sweden taageerada ay had iyo jeer na siiyaan waanu u ognahay, waad kala garanaysaa cidda wax ku taraysa iyo cidda kale, waad noo qoran tihiin, waanan idinka guddoomaynaa insha alla deeqaha aad nagu wareejiseen.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inay tahay tallaabo ay dhinaca horumarka u qaadeen ciidanka xeebaha Somaliland, waxaana uu yidhi “Waa tallaabo hore loo qaaday oo u soo korodhay ciidanka badda Somaliland, taas oo ah deeq ka timid dowladda Sweden, taasi oo aanu maanta (shalay) ku wareejinay dhallinyaradii loo tababaray oo aan filaayo inay ka gudan doonan waajibkii loo xilsaaray.”

Ugu danbayn masuuliyin ka socda dowladda Sweden iyo EU-da ayaa sheegay in ay mar walba garab taagan yihiin ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker