Saraakiil u dhashay Wadamada Somalia,Tanzania iyo Suuriya oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Weerar lagu Laayay

Muqdisho (OWN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo lagu dilay saraakiil ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Suuriya iyo Tanzania.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen saraakiisha Danab inay ku dileen 17-dagaalame oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ajaanib ah iyo sarkaal kale Soomaali ah.

 

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada Danab ayaa Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya u sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana ay ciidamadu ugu daateen xarun ay xubnahaasi uga sugnaayeen degmada Sablaale.

 

Xaruntaas waxa uu sheegay inay degaanaayeen saraakiil iyo dagaal yahano ka tirsanaa qeybta  Jabhadaha ee Al-Shabaab’ kuwaas oo weerarrada tooska ah u qaabilsan kooxda.

 

 

Waxa uu sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay gudaha xarunta ay ku dileen Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Al-Shabaab, kaas oo u dhashay dalka Tanzania.

 

Sidoo kale Abuu Yaasir Yaxiid oo haysta dhalashada dalka Suuriya, isla markaana kooxda u qaabilsanaa ammaanka xarunta lagu weeraray ayuu sheegay sarkaalkaas u hadlay Danab in lagu dilay howlgalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker