War deg deg ah : Dhabbaha diyaaradaha garoonka Aadan Cadde oo la Xidhay kadib shil diyaaradeed
Muqdisho (OWN) – Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay kusoo dhacday diyaarad.
Wararka ayaa sheegayo inay diyaaradaan ay awoodi wayday inay lugaha fidsato sidaas darteedna ay laabta ku dhufatay laamiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka.
Diyaaradda ayaa hadda dhex taalo Dhabaha ay kusoo dagaan Diyaaradaha, waxayna taas keenta in la xiro lana joojiyo diyaaradihii soo dagi lahaa.
Ilaa hadda lama helin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan Diyaaradda daqiiqado ka hor kusoo dagtay Garoonka Aadan Cadde ee awoodi weysay inay fidsato lugaha.