180 Ruux Oo Cudurka Ebola Ugu Geeriyooday Wadanka Jamhuuriyadda Dimuraadiga Congo.

Wasaarada caafimaadka ee dalka Congo ayaa shaacisay in 180 ruux ay gaadhay dadka u geeriyooday xumada cudurka dilaaga ah ee Ebola oo dhibaato ku haya dalkaas tan iyo bishii July ee bartamihii sanadkan 2018-ka.

Warbixin ay wasaarada caafimaadka soo saartay ayaa lagu sheegay in la soo tabiyay 258 bukaan oo hor leh oo uu haleelay cudurkan,iyadoo tobanaan ka mid ah dadkaan ay geeriyoodeen todobaaadkii la soo dhaafay.

Degaanada ugu daran ee dhibaatada uu ku hayo Ebola ayaa waxaa ka mid ah waqooyiga Kivu oo dhaca gobolka waqooyi bari ee Congo.

Cudurkaan oo la aaminsan yahay sida ay dhaqaatiirta sheegeen cunida hilibka xayawaanka duur joogta ah ee xanuunsan.ayaa lagu arkay Congo markii ugu horeysay sanadkii 1976-dii.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa dhanka kale shaaciyay in bishii la soo dhaafay uu dad ku dilay cudurkaan degaan u dhow magaalada Beni oo dhacda xadka Congo uu la wadaago Uganda.

Wadamo ku yaal bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Uganda iyo Kenya ayaa si weyn ula socda dadka dhaqdhaqaaqa cudurkaan,waxaana muwaadiniintooda ay uga digeen in feejignaan dheeri ah ay muujiyaan.

Congo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker