Jeelka Cimran Khan ku xidhanyahay oo laga walaacsanyahay

Qareennada u doodaya ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Cimran Khan ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay racfaan ka qaataan maanta maxkamadda sare ee dalkaas.

Waxay sheegeen in wax isdabamarin ay ka dhaceen xukunkii Sabtidii lagu riday Cimran Khan, kaasoo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu diiwaan geliyo lacagaha laga helay iibinta hadiyadaha dowladda.

Kooxda qareennada ee ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay ammaankiisa xabsiga. Maamulka xabsiga ayaan ka jawaabin walaacaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker