Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka oo la kulmayo madaxweynaha Falastiin

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa jimcaha la kulmi doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, sida uu sheegay Xuseen Al-Sheekh, oo ah xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin (PLO).

Hoggaanka siyaasadeed ee Falastiin ayaa waxaa si weyn ugu kala qaybsan, xisbiga Fataax ee Maxamuud Cabbaas ee Daanta Galbeed iyo ururka Xamaas oo ay iska soo hor jeedaan ee maamula marinka Gaza.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Israa’iil, si uu taageero ugu muujiyo dalka iyo dadkaba, kadib weeraradii Xamaas ee Sabtida.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

Biden wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay carada dad ka reer israail, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker