” Xilgudasho La’aanta Axmed Maxamed Maxamuud Aadan Silraanyo Madaxweynihii Hore ee Somaliland oo ….”

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa ka hadlay doodaha ka dhashay buuga uu qoray hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo qoraal uu ku faaqidayo doodaha uu buugaasi dhaliyey ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa talooyin u diray xukuumada iyo shacabka somaliland.

Qoraalka uu baahiyey siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa u dhignaa sidan

SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN.

Waxaan u Soo Qaatay Maah-maahda Sababta Mowjaddaha isagu Jira: Qoraallada, Sheekooyinka, Faallooyinka iyo Murannada oo dhamaantoodba ka Abuurmay Buugga uu Qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirkii Hore Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Haddana Ku Magacaaban Hoggaamiyaha Xisbiga Wadani ee Jamhuuriyadda Somaliland Buuggaas oo Loo Bixiyey  MIYI ILAA MADAXTOOYO.

Haddaba Markaan  Daawadday, Dhageystey, Akhristayna Waxay ila noqotay In aan Dadka Arrintan Ku Fooggan iyo Xukuumadda u Soo Jeediyo Talooyinka:

Dadweynaha Waxaan Kula Talinayaa in ay Buunbuuninta arrintan yareeyaan wixii xajiin iyo Ku-Xumee ahna La Joojiyo inta Laga Xaqiijinaayo Labada Arrimood ee Kala ah

1. Caafimaad Xumada Xusuuseed

2. Xilgudasho La’aanta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan Siiraanyo Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Baal Dahabi ah Ku Leh Ummadda Soomaalida ah Gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Hogaanka u Hayo Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaan Talo ahaan u Soo Jeedinayaa in Arrinta  Xusuusta Luntay ee Xirsi ku Sheegay Buuggiisa Markii uu ku qoray in ay Go’aansadeen In Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Ku Hogaamiyaan kuna Xukumaan Qoys ahaan Si Loo Daboollo Xusuusta Luntay iyo Xilgudasho La’aanta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud in Lagu Sameeyo Baadhis Natiijadeedu Noqon karto:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker