Dabley Hubeysan Oo Ugu Yaraan 30 Qof Ku Dilay Gudaha Itoobiya

Dabley hubeysan ayaa ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ku dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalka Ethopia, tiro intaa oo kale ahne lagu dhaawacay, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.

Wossen Andaege, oo 50 jir ah, ahne beeraley ayaa u sheegay wakaalada Reuters in lagu dilay weerarka oo ka dhacay Babo-Gembel ee Oromia 30 qof , Wuxuuna ku sheegay in dadkaan ay kasoo jeedaan qowmiyada Amxaarada.

Wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa markii ay maqleen dhawaqa rasaasta, kadibne ay u carareen xafiis dowladeed oo ka agdhowaa halkaas, si ay gabaad uga helaan ciidamada federaalka.

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, ayaa la daalaa dhacaysa xakamaynta loolanka qowmiyadeed ee dhulka, awoodda iyo kheyraadka, taasi oo dabka kusii shideysa, ka hor doorashooyinka qaran ee Ethiopia.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker