Siyaasi Kasoo Jeeda Gobolka Sool Oo Baaq Kasoo saaray xaaladda Gobolka SOOL

XAALADA LAASCAANOOD:

Xil Siyaasi ah ayaa naga Saaran inaanu Isha ku hayno Xaalada Amni ee Deegaankayaga; In badan Waxaan ka dignay in Qaab Xoog ah ama Ciidan loo Maro Xalka Gobolka & Shacabkiisa; Balse waxaa muuqata in dhawaaqayagii Dhegaha laga furaystay.

Xukuumada Kulmiye, Waxaan u soo jeedinayaa inay joojiso Xaalad kasta oo keeni karta Daadinta Dhiiga Shacabka.

Xukuumada Kulmiye, ha ogaato in Xubnaha ay Gobolka Xilka ugu dhiibtay yihiin Xubno aan haysan Kalsoonida Shacabka; Magaaladana ku Gala Toban Gaadhi oo Ciidan ah. Xubnahaasi waxay marwalba soo saaraan Qodobo iyo Go’aamo Shacabka Deegaanka ka Cadhaysiiya; Waana Xubno u maleeya inay ku faa’iidayaan Xaalada Kacsan ee Gobolka oo ay Dano Gaar ah ka leeyihiin; Arintan Xalkeeduna wuxuu horyaal Xukuumada Askari Muuse.

Shacabkayaga Reer Sool waxaan ugu Baaqayaa inay Amnigooda ilaashadaan, ka fogaadaan wax keeni kara isku-dhac iyo Dhiig daata. Gobolku Maanta uma Baahna Wiil ama Gabadh inaga dhinta ee Wuxuu u baahan yahay inaynu Horumarkiisa iyo Amnigiisa ka Shaqayno oo ilaashano.

Shacabka Reer Sool Waxaan ugu Bushaareynayaa in sida Roobka Gugu’ inoo Maasheeyey ee inoo farxad iyo Barwaaqo geliyey ayaynu Xili aan fogayn Siyaasada Kulmiye isaga Bedeli-doono, oo Hogaan ina wada-deeqaa inoogu Dhalan doono.

Waan Ognahay Gobolku inuu taageero weyn u hayo Xisbiga waddani, Taageero buuxdana siiyey; ayna Nasiib xumo tahay in kuwii uu diidanaa ee uu ka codeeyey ay maanta Talada Dalka Hogaanka u hayaan; Xilalkii Gobolkana u doorteen kuwii Bulshadu Diiday ee Nacday.

Ugu Dambayn; Waxaan Maamulka Puntland ugu Baaqayaa inay faraha kala baxaan Shacabka Reer Sool; joojiyaana inay ku raaxaystaan Dhiiga Shacabka ee daadanaya Bisha Ramadaan ee Kheyrka badan.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker