Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo: 8 Qof Oo Ku Dhimatay Iyo 10 Ku Dhaawacantay Xiisada Ka Dhalatay Xadhigii Mukhtaar Rooboow.

Baydhabo-(own)-Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya Kkasaaraha uu sababay dagaalkii ka dhashay xadhiga Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo dolwadda Somaliya maanta xoog uga soo waday magaalada Baydhabo.

Inta la ogyahay 8 Qof, ayaa ku geeiryootay, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, kadib dagaal xoogan oo dhex maray Ciiidan daacad u ah Rooboow iyo kuwa Dowladda oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Hareeraha Madaxtooyada Baydhabo, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mararka qaar waxaa la maqlayay qoryaha ka dhaca Gaadiid, iyadoo cabsi ay soo wajahday shacabka Baydhabo.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa u badan dhinacyadii dagaalamay, waloow uu jiro kahsaare soo gaadhay dadka Shacabka ah ee ka agdhawaa halka lagu diriray.

Xaalada magaalada Baydhabo, ayaa galabta ah mid dagan, walow mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, xalna wali malaga gaarin xiisadii ka dhalatay xadhiga Rooboow ee gacan ka hadalka sababay.

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo diyaarad gaar ah xoog lagu soo saaray, ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana loo galbiyay Xarunta Nabad Sugida Somaliya, sidaas waxaa Saxaafada gudaha u sheegay Xildhibaan Maxamed Isaaq Fanax oo Koofur Galbeed ka soo jeeda.

Lama oga halka ay saldhigan doonto Xiisada ka taagan Baydhabo, iyadoo 19-ka bishan oo ku beegan ARbacada Todobaadka danbe ay tahay xiligii lau balamay iney qabsoonto doorashada Madaxtinimo ee maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda Somaliya, ayaa sheegtay iney iyada soo xiratay Rooboow, waxeyna ku sbaabeysay inuu iska diiday amarro kala duwan oo ay soo saartay.

Rooboow, ayaa loo arkay inuu yahay Ninka meesha ku cidhiidhin karay C/Casiis Lafta Gareen oo la rumeysan yahay inuu yahay Musharaxa ay wadato Xukuumada Somalia, kaasoo iska casilay xilkii uu ka hayay Wasiirada Khayre ee ahaa Wasaarada Tamarta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker