Weerar lagu qaaday suuq ku yaal Australia

Dad aad u badan ayaa ka cararay suuq laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Sydney ee dalka Australia, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weerarro badan oo mindiyo ah lagu qaaday iyo in ay suurtagal tahay in toogasho bilaabato, taasoo keentay jawaab celin weyn oo booliis.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in rasaas laga maqlay gudaha suuqa Westfield ee ku yaalla isgoyska Bondi.

Booliska ayaa sheegay in howlgal uu socdo balse faah faahin dheeraad ah ma aysan bixin.

Goobta ayaa laga qaxay, waxaana baraha bulshada lagu arkayaa sawirada gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kuwa booliska oo goobta ku sugnaa.

Wararka kasoo kordha waa indiinsoo gudbin doonna.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker