Somaliland oo Yurub ka Ashkataysay In Somalia ay Xagal Daacinayso Wada-hadalada
Hargeysa (OWN) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Xisbiyada Qaranka iyo Ergayga Dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Shalay ka wada-hadlay dib u dhaca ku yimid Wada-hadalladii Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya ka furmi lahaa Dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka ayaa Ergayga Midowga Yurub u sheegay in guddiyadii Wada-hadallada uga qayb-gelayey Somaliland ay diyaar yihiin, balse dib u dhaca jiraa uu ka yimid dhinaca Soomaaliya, maaddaama oo ay laba jeer la yimaaddeen Cudur-daar baajiyey Wada-hadalladii guddiyada Farsamo.
Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Prof. Axmed Cabdi Muuse (Ebyan) oo Saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Xisbiyadu kala hadleen Ergayga Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Berlanga.
Prof. Axmed Cabdi Muuse (Ebyan) oo sharraxaya qodobbadii ay ka wada-hadleen Madaxweynaha iyo Xisbiyada oo isku dhinac ah iyo Ergayga Midowga Yurub ayaa yidhi “Waxaanu ka wada-hadalnay shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya oo guddiyadii saddexda ahaa aad mooddo inuu laba jeer dib u dhacay, arrintaana waxaanu u sheegnay inay xagga Soomaaliya ka socoto, laakiin Xagga Somaliland ay Guddiyadii diyaar u yihiin inay tagaan Jabuuti..”