Prof Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay is mari-waaga ka taagan doorashooyinka sanadkan 2021.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan, bare jaamacadeed iyo cilmi baare, horayna uga tartamay jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021.

Prof. Samatar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aanay  dhicin in qof musharrax ah ama tartamaya uu maamulo doorasho, sidaas daraadeedna wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in guddi madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo loo saaro arrimaha doorashooyinka.

“Ma dhicin Doorasho qof tartamaya uu maamulaya, waa in guddi madax-bannaan loo dhiibaa si loo wada sinnaado, Haddii uu qofka tartamaya waa in uu gaar uga baxaa loona dhiibaa Guddi lagu kalsoonaan karo,” ayuu waresigan ku yidhi Prof. Cabdi Ismaaciil.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qodobada la’isku hayo, sida arrinta gobolka Gedo, guddiga gobollada waqooyi iyo xubanaha ciidamada ee ku jira guddiga doorashooyinka.

“Waa in saddexda qodob ee kala ah arrinta Gobolka Gedo, Guddiga Gobollada Waqooyi (Somaliland) & xubnaha Guddiga in laga saaro Ciidanka” ayuu sii raaciyey Prof. Samater.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo illaa hadda wax xal ah laga gaadhin khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka, waxaase weli ka socda magaakada Muqdisho wada-hadallo xal raadin ah oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker