Duqeyn xagga cirka ah oo xalay lagu qaaday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Warrarka laga helayo degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay labo gantaal ku dhufutay guri ku yaala magaalada abaare sideedii fiidnimo.

Dad ku sugan Jilib ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen guuxa diyaarad, deetana ay xigtay maqalka laba qarax oo ay u malaynayaan in ay tuurtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano daroonis-ka.

Illaa hadda ma cadda cida lahayd diyaaradda weerarka gaystay, iyo goobta la duqeeyay, waxase magaalada ku xoog badan oo saldhigyo waaweyn ku leh ururka Al-Shabaab.

War ay sii daayeen warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay ay gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, halkaasna ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayida oo midkood ay ahayd gabadh yar oo 11 jir ah.

Ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib oo muddo dheer ay xukumayeen Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker