Soomaali Ganacsigoodii Lagu Boobay Koonfur Africa iyo Laba Qof oo Ku Dhaawacmay.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dukaamadooda la boobay oo lagu magacaabo Cabdi Mahad Bilow Kunow ayaa sheegay in ilaa toddobo dukaan oo ay Soomaali leeyihiin la dhacay iyadoo ay baxsadeen kooxihii weerarka ku soo qaaday.

 

“Afar qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay in ay yihiin ilaa kontomeeyo oo aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaadhnay ilaa labo saacadood ayay dukaanka dhex cayeen” ayuu yidhi Cabdi Mahad.

 

Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaaleen deegaan ka tirsan gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika, waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska usoo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo.

 

Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la’aan ka jirto deegaanka, Cabdi Mahad ayaa sidoo kale in weerarka lagu soo qaaday Soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

 

Koonfur Africa waxaa ka jirta dhibaato weyn oo ay la kulmaan inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, kuwaas oo inta la dilo waliba la qaato wixii hanti ah oo ay lahaayeen, ilaa iyo haddana ma muuqato tallaabo ay dowladda arintan ka qaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker