Saxafiga Weyn Ee Kayse Axmed Digaale OO Qado Sharaf Loogu Sameeyey Magaaladda London

Qado sharafta oo lagu furay Aayado Quraanka ah ayaa dadkii ka hadlay ay aad ugu dheeraadeen aqoonta iyo kaftida Saxafiga Weyn Ee Kayse Axmed Digaale  u leeyahay saxaafadda iyo wararkiisa qiimaha badan ee had iyo jeer uu ka soo tabin jiray caasimadda 2aad ee Somaliland Burco iyo inuu yahay wariye dhexdhexaada oo warkiisa lagu kalsoon yahay.

 

Waxa kale oo ay soo qadeen oo ay shegeen in lagu xasuusto wargayskii Jamuuriya oo aad looga qadarin jiray Somaliland, Aqoonyahanka kasoo qayb galay kulanka ayaa aad ugu faraxsanaa booqashada uu dalkan Ingiriiska ku joogo waxayna balan qadeen inay si weyn u qaabili doonaan.

Ugu danbeyntii  Kayse Axmed Digaale oo hadalo kooban kasoo jeediyey qado sharafta ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey dadkii Soo qaban-qaabiyey kulanka iyo dhamaan akhyaarta kasoo qayb galayba waxa uuna warbixin kooban kaga waramay safarkiisa iyo in dalkii Somaliland lagu nabad qabay . waxa kale oo uu shacabka reer Somaliland ku booriyey isku duubnaanta.

Kayse Axmed Digaale waxa uu wakhtigan ah masuuliyiinta ka hawl galaa Tvga Saab  oo uu ka mid yahay wariyayaasha ugu cadcad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker