Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqay Inuu Is Casilo

Cabdirashiid Janan Wasiirka Aminiga maamulka Jubbaland ayaa si kulu uga hadlay Ciidamo ay dowladda Soomaaliya ku daabushay Gobolka Gedo, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay si is daba joog ah uga dagayay Goroonka Degmada Dolow.

Waxaa uu ka hadlay Wasiir janan arrimo dhowr ah oo ku aaddan Ciidanka dowladdu ay halkaasi gaysay iyo sababaha ka dambeeya ee Ciidanka halkaasi loogu daabulay.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan doonayn in ay Kenya dalka ka difaacdo, balse ay doonayso arrimo u gaar ah iyo dano shaqsiyadeed, waxaana si gaar ah uu eed kulul ugu jeediyay Madaxweyne maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, isagoo ugu baaqay inuu is casilo, maaaddama sida uu sheegay uu fashilmay.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Gedo uusan u baahnayn Ciidan lagu daabulo, waxaana uu intaas ku daray in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay gaysay Gobolka Gedo looga baahan yahay degaanada ay Al-shabaab iyo Ciidanka dowladdu ku dagaalaamayan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker