Shirkada Twitter Oo Digniin U Dirtay Madaxwaynaha Maraykanka Iyo Trump Oo Iska Difaacay.

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Shirkadda Twitter kaddib markii ay sheegtay in Qoraallada uu soo dhigu bartiisa khaaska ah ay Noqon karaan kuwo marin habaabin  ah.

 

 

Shirkadda waxay markii ugu horreysay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sameyneyso turxaan bixin ama dib ayay u Edit-garaysay.

 

Trump ayaa sheegay in codeynta doorashada dhanka boostada la dhici karo, waxna si sharci darro ah looga baddali karo isla markaana si sharci darro ah Loo daabaci karo.

 

Shirkadda waxay digniintan  ka bixisay qoraalkaas oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneyso xeerka Lagaga hortegayo Wararka been abuurka ah.

 

Trump ayaa ku jawaabay in shirkaddu ay “Gabi ahaanba cabudhineyso xoriyatul qowlka”.

 

Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu Akhristayaasha ugu sheegayo inay “Eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada.”

 

Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka.

 

Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah.

Muxuu ku jawaabay Trump?

Sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, Trump wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Mareykanka ka dhaceyso 3 bisha Nofeembar ee sannadkan.

 

Wuxuu yiri: “Haddii aan ahay madaxweyne ma aqbalayo in arrintaas ay dhacdo”.

Dhanka kale, madaxa ololaha doorashada u qaabilsan Trump ayaa dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka ku tilmaamay “wado eexasho siyaasadeed” in ay tahay.

Weriyaha BBC-da ee Teknooloojiyadda ayaa kusoo warrameysa in madaxweyne Trump uu barta Twitter-ka u adeegsado in uu dagaal siyaasadeed kula galo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka caanka ah ee ka soo horjeeda. Haddana wuxuu u muuqdaa in uu dagaal la galay shirkadda.
Xigasho BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker