Dawlada Fadaraalka oo ka Hinaastay War-murtiyeedka Jabuuti kasoo Saartay Shirkii.(Akhriso)

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday war-murtiyeed ay ku sheegtay inuu ahaa qabyo qoraal oo kasoo baxay shirka Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland .

Dowladda ayaa ka hor-timid Ereyo  dhowr ah oo ku qoran War-murtiyeedka, taasi oo wax u dhimeysa madax-banaanida dalka, Ereyadaas ayaa waxaa ka mid labada dal, labada shacab, iyo Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu isna soo saaray oo kooban ku yidhi “Laba Arrimood ayaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo;

1. War-murtiyeedka lagu faafiyay baraha bulshada maha mid rasmi ah. Wali waa laga shaqeynayaa si qoraal la isla ogol yahay usoo baxo. 2. Wadahadallada waxay u dhaxeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee maha wada hadal Soomaaliya-Somaliland u dhaxeeya sida warbaahinta qaar ay qoreyso.”

War-saxaafadeedka ayaa ah mid sax ah oo aan la been abuurin, waxaana saaran shaabadda wasaaradda arrimaha dibedda Jabuuti, hase yeeshee Cabdinuur ayaa sheegay in la baahiyey ayada oo aysan ogolaan ama aan lagala tashan dowladda Soomaaliya.

 

Illaa iyo hadda ma cadda sida qoraalka ku baahay, iyo cidda ka dambeysa in ayada oo dowladda federaalka aysan ogolaan la baahiyo, balse wasaaradda arrimaha dibedda  Somaliland ayaa War-saxafadeedka soo dhigtay barteeda twitter-ka, taasi oo muujineysa inay ku qanacsan tahay.

 

Waxaa hadda la filayaa in lasoo saaro War-murtiyeedka kale, balse ma cadda sida Somaliland ay kaas raali uga noqon doonto, hasayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab rasmi ah kasii saarto arrintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker