Maraykanka oo sheegay in uusan ka qayb qaadanayn haddii Israa’iil ay weerar celin ku samayso Iran

Falanqeeyayaasha ayaa qiyaasaya in weerarkan Israa’iil kaga yimid dawladda Iran uu horseedi doono tallaabo aargoosi ah oo ay Israa’iil qaado.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay CNN, oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan maamulka, Madaxweyne Joe Biden ayaa mar hore u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in Maraykanku uusan ka qayb qaadan doonin weerar kasta oo ka dhan ah Iran.

Dhanka kale, sarkaal Israa’iili ah ayaa u sheegay wargeyska New York Times in jawaab kasta oo ay Israa’iil ka bixiso ay “la xidhiidhin doonto xulafadeeda”.

Sida aan soo tabinnay, Biden wuxuu sheegay in Maraykanku uu ka caawiyay Israa’iil in ay soo rido “ku dhawaad dhammaan” duullaankii 300 ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ee ay ridday Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker