Mexico oo xidhiidhka u jartay Ecuador

Mexico ayaa xiriirka u jartay Ecuador ka dib markii booliisku ay weerareen safaaradda Mexico ee Quito si ay u xiraan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ecuador Jorge Glas.

Madaxweynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa sheegay in ay “si qasab ah ku galeen” safaaradda iyagoo ku tilmaamay “xadgudub qaawan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah”.

Glas waxa uu safaaradda magangalyo ka galay bishii December ee la soo dhaafay ka dib markii Ecuador ay soo saartay amar lagu soo xirayo isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Qareenka Glas ayaa sheegay inuusan wax dambi ah lahayn.

Glas waxa uu soo noqday madaxweyne ku xigeenka Ecuador intii u dhaxeysay 2013 iyo 2017.

Waxaa xilka laga xayuubiyay, sababtoo ah waxaa isa soo tarayay eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker