Madaxweynaha Jubaland oo Magacabay Wasiiro iyo Wasiiro ku Xigeeno Ka Mid noqon doona Xukumadiisa
Wareegatada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay laba wasiir iyo laba wasiir ku xigeen, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa wareegtada waxaa loogu magacaabay xilka wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, waxaana wasiir ku xigeenka Wasaraddaasi loo magacaabay Faarax Mukhtaar Daa’uud.
Axmed Xasan Cumar ayaa sidoo kale wareegtada loogu magacaabay xilka wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka, waxaana wasir ku xigeenka Wasaaraddaasi loo magacaabay Maxamed Cusmaan Jaamac.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale Maxamed Cumar Yuusuf u magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Degmada Dhoobley, waxaana sidoo kale Madaxweynahu uu Cabdinuur Wali khaliif uu u magaacay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamada Degmada Dhoobley.