Ururka Daacish Oo Baaq U Diray Dhaqaatiirta Ajaanibta ah Ee Soomaaliya Ku Sugan

Ururka Daacish qaybtiisa Soomaaliya ayaa baaq u diray dhaqaatiirta Ajaanibta ah iyaga oo ugu baaqay in adeegyo caafimaad oo bilaash ah ay ka bixiyaan Soomaaliya.

 

Qof ka mid ah Daacish oo afka soo duubtay islamarkaana ku hadlaayay Lahjadda Ingiriiska Waqooyiga Ameerika oo fasiix ah ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ee u badan beeraleyda iyo xoolaleyda aysan waxba heysan.

Waxaa uu sheegay in ay iyaga u fidiyeen adeeg Caafimaad markii ay tageen Tuulooyinka ay dadkaas ku nool yihiin.

 

Muuqaalka oo la daawan karo 15 daqiiqo ayuu Qofkaasi ka tirsan Daacish ku codsaday in Dhaqaatiirta sameyn karta Qalliinnada, kuwa Ilkaha iyo Cudurrada guud looga baahan yahay gudaha Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray in iyaga ay ugu yaraan 200 Qof caawiyeen cudurrada qaarna aysan waxba ka qaban karin.

Cudurrada uu sheegay in dadka Reer miyaga ah ay ku dhib qabaan waxaa ka mid ah Nafaqo Darrada,Duumada, Shubanka iyo kuwo kale.

Maamullada Soomaalida ayuu ku eedeeyay in aysan tixi gelin dadka Reer Miyiga ah islamarkaana wax xiriir ah la lahayn.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker