Nin u dhashay Australia oo is aasay isagoo nool

Nin u dhashay dalka Australia ayaa dhintay kadib markii, sida ay sheegeen mas’uuliyiina dalkaas uu ku dhacay god ku yalay goob xeeb ah oo la sheegay in loo qoday in lagu dubo hilib doofaar.

Josh Taylor ayaa Sabtidii ku sugnaa xeebta jasiiradda Bribie markii uu godkaas ku dhacay oo horseeday dhimashadiisa..

Mas’uuliyiinta ayaa weli baaraya waxa sababay geeridiisa, oo aan hore laga ogaan.

Booliska jasiiraddaas ayaa war qoraal ah ay soo saareen ku sheegay ‘inay jireen dad badan oo goobtaas ku sugnaa xiligii ay wax dhacayeen, balse weli lama aanay hadlin booliska’.

Taylor ayaa waxaa la joogay saaxibadiisa markii ay dhacdadan dhaceysay, sida ay sheegtay warbaahin maxali ah.

Dad gaaraya ilaa 15 qof ayaa lagu soo warramayaa inay guda galeen howlaha samatabixintiisa, balse ay ku guul dareeysteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker