Wargeyska Long War Journal Oo Wax Ka Qoray Hawl Galada Iyo Weerarada Ay Kooxda Daacis Ka Fuliso Gudaha Dalka Somaliya Oo Kor U Kacay

Wargeyska Long War Journal ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay Maleeshiyadda Daacissh sannadkii hore ballaariyeen Hawlgaladii ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Somalia,

Hawlgalkaasi ayaa ballaartay, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Kooxda sheegatay inay Hawlgalkoodii ugu horreeyey ka fuliyeen Somalia bishii April ee saannadkii 2016-kii.

Wargeyska Long War Journal ayaa qoray inay Xog la diiwaan geliyey muujisay inay Kooxda Daacish sheegatay inay 106 Weerar ka geysteen Somalia tan iyo bishi iApril ee sannadkii 2016-kii.

Kooxda waxay kaloo sheegatay inay 66 Hawlgal ka fulisay gudaha Somalia sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii.

Xogahaasi ayaa waxaa la sheegay inay ururiyeen Warbaahinadda ay Kooxda Daacish u adeegsadaan Wararkooda Borobogaandada ah, waxaana si gaar ah looga baahiyey Wakaalladda Wararka Daacish ee AMAQ ku leeyihiin Barta TELEGARAM iyo Warbaahinta kale ee NASHIR.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Long War Journal waxa uu qoray inay Kooxda Daacish hawlgalladaooda ka fuliyaan Puntland iyo qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia, iyagoo si gaar ah hawlgalo uga duliyey Muqdisho iyo Afgooye sannadihii 2017-kii ilaa 2018-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker